Maraykanka oo Ku Dhawaaqay Tageero Maalyadeed oo usiinaayo Soomaaliya

aageero maaliyadeed oo cusub oo ay siineyso Soomaaliya, maalmo kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Washington kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka madaxweynaha Biden.

“Dowladda Mareykanka, oo marineysa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID), ayaa in ka badan $151 milyan ku bixineysa kaalmo cusub, oo ay degdeg ugu baahan yihiin dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu war-saxaafadeed kasoo baxay USAID.

“Lacagtaas ayaa $146 milyan oo dollar oo ka mid ah waxaa loogu talagalay gargaar cunto, iyadoo abaaro masiibo ah ay dalka naafeeyeen, in ka badan 7 milyan oo qofna ay qarka u saaran yihiin macaluul. $5 milyan ee soo hartay ee ayaa lagu bixin doonaa taageerada u adkeysiga musiibada iyo soo kabashada dhaqaalaha.”

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka lacagtan cusub ayaa waxay dheeri ku tahay $476 milyan oo gargaar bini’aadaninimo ah oo Mareykanka uu ku dhowaaqay bishii Luulyo, taas oo ka dhigaysa tabarucaadka dawladda Maraykanka in ka badan $870 milyan oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed – waana in ka badan kala bar dhammaan deeqaha bani’aadannimada ee Soomaaliya la siiyey 2022.