Home Wararka Maanta Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Gaaray Balidoogle Amarna Siiyay Ciidamada Maraykanku Halkaas Ku...

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Gaaray Balidoogle Amarna Siiyay Ciidamada Maraykanku Halkaas Ku Tababaraan(Sawiro)

0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta kormeeray xerada ciidamada Bali-doogle ee kutaalla gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiirka iyo taliyaha ciidanka ayaa si gaar ah u kormeeray xeryaha ay ku jiraan Ururada 4-aad iyo 64-aad ee ciidamada kumaandooska Dabab iyo Guutada 7-aad ee ciidanka xoogga dalka ,kuwaa oo fariisimo ku leh xerada ciidamada cirka ee Bali-doogle.

Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhiiga Soomaaliya, oo la hadlay ciidamada uu la kulmay ayaa ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka bilowday qaar kamid ah gobolada dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka xoogga Soomaaliyeed laga sugayo fulinta howlgalo iyo dagaalo lagu soo afjarayo kooxda Al Shabaab, uu ku eedeeyay in dhibaato ku hayaan dadka Soomaaliyeed ,loona baahan yahay in la iska dulqaado.

Ciidamada kumaandooska Danab ee ku sugan xerada ciidamada Balli-doogle ayaa ah ciidamo si weyn loo diyaariiyay oo ay u dhan yihiin qalabkooda, waxaana ciidankan tababaray oo mushaaraaka siiya dowladda Mareykanka

Ad
Previous articleDF Oo Shiinaha Kala Hadashay Kaluumeysiga Sharci Darada Ah Ee Bada Soomaaliya ka wadaan(Sawiro)
Next articleHowlgalkii Kasocday Gobalka Hiiraan oo lasoo afjaray iyo Baladweyne iyo Buulaburde oo laisku Furay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here