Home Wararka Maanta Howlgal Cajiib ah oo loogu magac daray qof iyo guri oo ka...

Howlgal Cajiib ah oo loogu magac daray qof iyo guri oo ka bilowday magaalada Muqdisho

0

Waxaa xalay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ka bilowday howlgal cusub oo loogu magac daray qof iyo guri , kaa oo lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda loogana hortagayo kooxaha hubeesan iyo burcada.

Howlgalkan cusub oo iska kaashanayaan ciidamada booliiska iyo nabad sugida ayaa ka bilowday dhoor degmo oo kuyaalla Muqdisho, waxaana howlgalkan lagu baarayaa guryaha sidoo kale meel la isugu geenayaa dadka laga shakiyo.

Sida la shaaciyay howlgalkan cusub ayaa xalay ka bilowday degmooyinka loogu yeero bartamaha ee kala ah Boondheere, Warta nabbada , Xamarweyne, Shangaani iyo degmada  Cabdicasiis.

Guddoomiyaasha shanta degmo oo warbaahinta wadajir ula hadlay ayaa sheegay in ciidamada booliiska iyo nabad sugida iska kaashanayaan howlgalkan cusub, waxa ayna tilmaameen in howlgalka lagu baari doono guri kasta oo kuyaalla degmooyinkan.

Goobo gaar ah ayaa loo qorsheeyay in la isugu geeyo dadka lagu soo qabto howlgallada si baaris kaddib loosii daayo dadka dambiga lagu waayo, halka kuwa fal dambiyeed lagu helana loo sii gudbiyo goobo kale oo baaris dheeri ah lagula sameenayo.

Howlgalkan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu sugo ammaanka magaalada Muqdisho loogana hortago kooxaha hubeesan ee dilalka geesta iyo sidoo kale kooxaha burcada iyo kuwa loo yaqaan ciyaal weerada

Ad
Previous articleDuqaymo Culus oo Lagu Garaacay Alshabaab ku Sugnaa Duleedka Degmada Xarardheere
Next articleDawladda Rwanda oo soo riday diyaarad dagaal oo laga lee yahay dalka Congo DR

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here