Home Wararka Maanta Duqaymo Culus oo Lagu Garaacay Alshabaab ku Sugnaa Duleedka Degmada Xarardheere

Duqaymo Culus oo Lagu Garaacay Alshabaab ku Sugnaa Duleedka Degmada Xarardheere

0

Wararka ka imaanaya magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in saakay deegaanno hoostaga magaaladaasi ka dhaceen duqeymo culus oo ay geesteen diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka

Duqeymo alshabaab  loogu geystay deegannada Miiroon iyo Baraag Ismaaciil oo dhaca Koonfurta gobolka Mudug ayaa laga soo warinayaa khasaaro xooggan, wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in halkaas ay ku naf waayeen ku dhawaan 30 dagaallame, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Danab G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen Degaannada Miiroon iyo Baraag Ismaaciil oo hoostagta Xarardheere.

Koonfurta Gobolka Mudug waxaa saakay ka socdo howlgallo saf ballaaran ah, waxeyna ciidamada huwanta ka ruqaansadeen dhinacyo badan.

Ciidmada Daraawiishta Galmudug ayaa Qorshaynaaya inay alshabaab Ka saraan Degmada Bacaadwayne iyo Camaara oo Alshabaabkii ugu Badna Ay ku Suganyihiin Haatan.

Alshabaab ka Ku sugab Ayaa Hada Haysan Meel ay ka baxaan Madaama Xuduudkii Hiiraan laga Xiray Waxaana U Furan kaliya unay Isdhiibaan Amay Dagaal ku Dhintaan.

Ad
Previous articleCulimada Soomaaliyeed ee ku shirsan Muqdisho oo caddeeyay xukunka sharciga ah ee Al-Shabaab
Next articleHowlgal Cajiib ah oo loogu magac daray qof iyo guri oo ka bilowday magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here