Home Wararka Maanta Dawladda Rwanda oo soo riday diyaarad dagaal oo laga lee yahay dalka...

Dawladda Rwanda oo soo riday diyaarad dagaal oo laga lee yahay dalka Congo DR

0

Dawladda Rwanda ayaa soo riday diyaarad dagaal oo laga lee yahay dalka Congo DR taas oo ay sheegtay in ay ku soo xad gudubtay hawadeedaa.

Diyaaradda oo uu nooceedu ahaa Sukhoi-25 isla markaana lagu farsameeyey Midowgii Soofiyeeti ayaa lala eegtay gantaal xilli ay maraysay xuduudka kala qaybiya labada dhinac.

Xukuumadda Kigali ayaa ku doodaysa in ay diyaaraddani soo gashay hawadeed isla markaana ay ku kacday falal arbushaada, halka ay Congona ku doodayso in aanay diyaaradoodu shaqo ku lahayn hawada dalka toogtay.

Xiisadda labada dhinac ayaa waayahan ahayd mid cakiran iyada oo Congo ay hore Uganda ugu eedaysay in ay gacan siiso jabhadda dalkaas ka dagaallanta ee M23.

Ad
Previous articleHowlgal Cajiib ah oo loogu magac daray qof iyo guri oo ka bilowday magaalada Muqdisho
Next articleGalmudug oo Qaaday Talaabo soo Dadajinaysa in Alshabaab Deg deg looga Saaro Guud ahaan Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here