Home Wararka Maanta Hooyo Soomaaliyed oo afar caruur ah ku umushay Muqdisho

Hooyo Soomaaliyed oo afar caruur ah ku umushay Muqdisho

0

Hooyo Soomaaliyeed ayaa mar kaliya afar caruur ah ku umushay Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Caruurtan oo ka kooban afar gabdhood ayaa waxaa si dabiici ah u dhashay Hooyo Soomaaliyeed oo ka timid degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray maamulka Isbitaalka Banaadir oo u qornaa sidan hoose:-

Xalay waxaa isbitaalka Banadir 4 caruur (Quadruplets) ah ku dhashay hooyo somaaliyeed waxaana u qabanay adeeg Caafimaad.

Wuxuuna ALLAH ugu deeqay Mataano kuligood gabdho ah, ILAAHEY mahadiiisa waxey noogu dhashay si dabiici Ah SVD ILAAHEY wuxuu ku arsaaqay 4 Gabdhood hadana hooyada iyo afarteyda gabdhood way  caafimad qabaan waa ALLAH mahadiiisa.

Hooyada iyo caruurteeda waxey nooga baahanyihiin garab istaag maadaama ay tahay qof baadiyaha Cadale ka timid oo ka soo jeeda qoys danyar ah.

Waxan u mahadnqayaa dhamaan shaqaalihii sida hufan shaqadaas qabtay afarta gabdhood 2 u horeysay waxay ahaayeen dabakeen. ALLAHU AKBAR.

Ad
Previous articleDagaal Qaraar oo kasocda Magaalada Laasacaanood Xili uu Maraykanku Soomaaliland u Hanjabay
Next articleWarrarkii ugu dambeeyay ee dagaal tan iyo saaka ka socday Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here