Home Wararka Somaliya Somaliland Dagaal Qaraar oo kasocda Magaalada Laasacaanood Xili uu Maraykanku Soomaaliland u Hanjabay

Dagaal Qaraar oo kasocda Magaalada Laasacaanood Xili uu Maraykanku Soomaaliland u Hanjabay

0

Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in uu saaka markale dib uga qarxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka socdo duleedka magaalada Laascaanood oo maalmihii lasoo dhaafay ay isku horfadhiyeen ciidamada labada dhinac.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaalka saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood, waxaana qaarkood sheegayaan in ciidamada Somaliland ay weerar ku qaadeen xooggaga SSC.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka socda uu xoogiisu yahay mid madafiic la is-weydaarsanayo, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Waxaa jira khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka saaka, iyada oo xaafadaha qaar ee magaalada ay ku dhaceen tiro madaafiic ah, inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn baaxadda khasaaraha.

Ciidamada Somaliland maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka waday duleedka bari ee magaalada, kadib markii uu milateriga ku dhawaaqay inuu Laascaanood ku qaadayo dagaal qorsheysan.

Ad
Previous articleRuushka oo xabsiga dhigay weriye lagu eedeeyey inuu u basaasayey Mareykanka
Next articleHooyo Soomaaliyed oo afar caruur ah ku umushay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here