Home Wararka Somaliya Somaliland Warrarkii ugu dambeeyay ee dagaal tan iyo saaka ka socday Laascaanood

Warrarkii ugu dambeeyay ee dagaal tan iyo saaka ka socday Laascaanood

0

Warrarka aan ka heleyno magaalada Laascaanod ee gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka dagaal u dhexeeyay ciidamada Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhaawday ee Somaliland iyo kuwa deegaanka uu ka dhacay bariga magaaladaas.

Goob joogeyaal ayaa noosheegay in dagaalka oo saacado socday ay barbar socdeen duqaymo madaafiic ah oo ku soo dhacayay gudaha magaalada.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo tebiyay in uu ka dhashay dagaalka, inkastoo aan la helin tiro rasmi ah.

Waxay ilo wareedyadu noo sheegeen in madaafiicdii ku soo dhacayay gudaha magaalada ay waxyeelleeyeen gaadiid yaallay xarunta dowladda hoose ee magaalada Laascaanood, ayna sidoo kale dumeen qaybo ka mid ah xafiisyada dowladda hoose.

Khasaraaha guud ee ka dhashay dagaalkaas ayaan weli la ogayn iyada oo la sheegay in weli madaafiicda iyo rasaasta laga maqlayo Laascaanood.

Dagaalka saaka ayaa ku soo beegmay xilli waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay ku boorrisay dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Laascaanood inay dejiyaan xiisadda, ixtiraamaan xabbad-joojinta ayna oggolaadaan in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo dadkii halkaas ku barakacay, dibna loo bilaabo wada-hadal wax ku ool ah oo lagu xallinayo xiisaadda.

Ad
Previous articleHooyo Soomaaliyed oo afar caruur ah ku umushay Muqdisho
Next articleRaila odinga oo Sheegay inuu Ka Badbaaday Iskuday Dil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here