Home Wararka Maanta Gudoomiye Sheikh Aadan Madoobe iyo MD Sheikh Shariif oo kulmay

Gudoomiye Sheikh Aadan Madoobe iyo MD Sheikh Shariif oo kulmay

0

 

Muqdisho September 04,2022, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxmed Nuur (Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay Muqdisho tacsi ugu tagey Madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda mudane Shariif Sheekh Axmed oo hooyadii Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq geeriyootay.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa murugada xanuunka leh la wadaagay qoyska iyo qaraabada ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq, isagoo Alle uga baryey inuu Jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo.

“Innaa Lillahi wa inna Illaheyhi Raajicuun Alle ha u naxariistee, hooyo Xasno Cabdulle Isaaq, oo shalay la geeyey gurigeeda dhabta ah waxaan rabi u weeydiineynaa in uu hoygeeda ka dhigo jannadii Firdowsa dhamaan ehelka iyo qaraabada samir iyo iimaanna uu ka siiyo”

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa sheegay in marxuumada loo duceeyo waxaana uu Alle u baryey in uu Jannadiisa kawaraabiyo.

Dhammaad

Ad
Previous articleGudoomiyaha Gobalka Banaadir oo la ogaaday Shaqsiga loo wado
Next articleShirkii Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada ee Garoowe oo fashilmay(Xog)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here