Home Wararka Maanta Shirkii Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada ee Garoowe oo fashilmay(Xog)

Shirkii Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada ee Garoowe oo fashilmay(Xog)

0

Shirkii madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ee lagu waday inuu horraanta bishan ka dhaco magaalada Garoowe ayaa fashilmay, sida ay ilo-wareedyo noo xaqiijiyeen 

Xog aan heshay C ayaa sheegeysa in shirkan ay si cad u diideen qaar ka mid ah madax goboleedyada, xilli ay soo xoogaysatay is-aaminaad la’aantii madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweyne goboleedyada.

Shirkaas oo markii hore qorshuhu ahaa in lagu qabto magaalada Muqdisho ayaa loo wareejiyey Garoowe kadib markii uu diiday madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen inuu yimaado caasimadda. 

Si kastaba, xog cusub oo aan ka helnay madaxtooyada Puntland oo qaban qaabineysay shirka, ayaa sheegeysa in madaxda dowlad goboleedyada badankood ay go’aansadeen in aysan iman shirka meel kasta oo lagu qabto, taasi oo cadaadiska ku kordhineysa madaxweyne Xasan Sheekh. 

Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood oo rumaysan in uu dagaal kaga soo wajahan yahay dhanka Villa Somalia.

Wararku waxay intaas ku darayaan in hadda dhammaan dowlad goboleedyada ay hadda hal mowqif ka taagan yihiin khilaafka Villa Somalia oo aanay jirin dowlad goboleed heshiis la’ ah dowladda federaalka.

Shirka Garoowe ayuu madaxweyne Xasan Sheekh doonayey inuu isaga xaliyo mad madowga kala dhaxeeya madaxda maamullada, ayada oo wararku ay sheegayaan in madaxweynaha aanu xilliga diyaar u ahayn khilaaf iyo dagaal siyaasadeed, maadaama uu doonayo in si midaysan loo qaado dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Si kastaba, maamul goboleedyada ayaa u muuqda inay dagaal siyaasadeed u bareereen kadib markii ay 31-kii August qaadeen tallaabo ay xiriirka iyo wadahsaqeynta ugu jareen wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka oo ay ku eedeeyeen inay ka baxday heshiisyo horey loo gaaray.

Ad
Previous articleGudoomiye Sheikh Aadan Madoobe iyo MD Sheikh Shariif oo kulmay
Next articleDowladda oo Weerar culus ku qaaday Deegaanka Basra iyo Beerta Cali Mahdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here