Xaalad adag oo ka taagan degaanada Alshabaab dagaalada looga Saaray ee Gobolka Hiiraan

Shacabka ku dhaqan degaanada hoos taga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan iyo degaano kale ayaa laga soo warinayaa xaalad nololeed tii ugu adkeyd abid kadib markii ay iskugu darsameen Colaad iyo abaar isku soo beegmay.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanadaasi waxaa taagan sicir barar dhanka maciishada ah maadaama isku socodka gaadiidka uu aad u liito dagaalada socda iyo xiisadha colaadeed ee gobolka ka jira awgood.

Kiilada Sokorta ayaa la kala iibsanayaa $3.5 xili ayba sii dheertahay sidaad ku heli laheyd hadiiba lacagtii xitaa aad heysato.

Raashinka daruuriga ah intiisa kale iyo biyaha caadiga ah ayaa sidoo kale ay ku dhiban yihiin dadka jilcan sida Haweenka ,Caruurta iyo dadka da’da ah.