Home Wararka Maanta Gudoomiyayaashi Hore ee Labada Aqal oo Qaatay Shahadada Musharaxnimo(Sawiro)

Gudoomiyayaashi Hore ee Labada Aqal oo Qaatay Shahadada Musharaxnimo(Sawiro)

0

Guddoomiyaashii hore ee labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa mar kale isku soo sharaxay xilka Guddoomiyaasha labada aqal.

Guddiyada hirgelinta doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ayaa maanta diiwaangeliyay sidoo kale siiyay labada musharax  shahaadada cadeeneysa musharaxnimadooda.

Gudoomiyaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mar kale isku soo sharaxeen xilalka ay hada hayaan, waxa ayna xuseen in mar kale la imaan doonaan waxqabad kasii wanaagsan kii hore.

Guddiga hirgelinta doorashada guddoonka labada aqal ayaa diiwaangeliyay musharaxiin badan oo isku soo taagay xilalka guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka iyo kuxigeenadooda.

Waxaa Muqdisho hada ka socda olole xooggan ay wadaan qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya , waxaana ololaha qeyb ka ah madaxda maamulada qaarkood oo dhisaya xubno ay iyagu wataan.

Ad
Previous articleGuddiga Doorashooyinka Oo Udigniin Adag U Diray Guddiga Doorashooyinka ee Aaday Garbahaareey
Next articlePuntland oo Galmudug ku wareejisay Gadiid Dagaal(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here