Home Wararka Somaliya Guddiga Xalinta Khilaafaadka Heer Fedraal oo Gudoomiye doortay

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Heer Fedraal oo Gudoomiye doortay

0

Kulankii ugu horreeyay oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho xubnaha  Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban  ee Heer Federaal 2020-2021  ayaa waxaa ay ku doorteen Guddoomiye kumeel gaar ah.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga ayaa waxaa ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in uu gudoomiye ku meel gaar ah u noqdo qofka ugu da’da weyn xubnaha, waxaa ku guuleystay Cabbdullaahi Abyan Nuur.

Xubnaha uu ka kooban yahay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban  ee Heer Federaal ayaa soo dhaweyey doorashada Guddoomiyaha, iyaga oo sheegay inay Shaqadooda si wanaagsan u gutan.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban  ee Heer Federaal ayaa Shaqadooda waxaa ay tahay xalinta hadii uu khilaaf ama isqabqabsi ka dhasho doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ad
Previous articleDeg Deg Qarax ayaa goor dhaw ka dhacay Muqdisho
Next articleDagaal culus ayaa ka qarxay Deegaano Hoostaga Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here