Home Wararka Somaliya Galmudug Dagaal culus ayaa ka qarxay Deegaano Hoostaga Dhuusamareeb

Dagaal culus ayaa ka qarxay Deegaano Hoostaga Dhuusamareeb

0

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 15 qof dagaal qaraar oo maanta ka dhacay inta u dhaxeyso Tuula-xaayow iyo Ceeldheere, kuwaasoo dhinaca koonfur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Dagaalka ka dhacay duleedka Dhuusamareeb ayaa dhaxmaray ciidamada dowladda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab waxaana jira xiisad dagaal oo wali ka taagan goobihii lagu dagaalamay.

Saraakiil Milateriga Soomaaliya ayaa Warbaahinta u sheegay in ay dagaalka ku daleen 15 dagaalame oo Al-shabaab ah, balse ma jirto cid ka madaxbanaan ciidamada oo xaqiijin karta khasaaraha ay sheegeen.

Al-shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaq ay ku kala jarayaan magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb waxaana arrintaas walaac ka muujiyay dadka degaanka.

Ad
Previous articleGuddiga Xalinta Khilaafaadka Heer Fedraal oo Gudoomiye doortay
Next articleXubnaha Guddiga Doorashada oo Maanta Gudoomiye dooranaya, Hadaba waa Kuma Magacyada sharaxan ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here