Home Wararka Somaliya Galmudug Ganacsatada Gobalka Mudug oo La amray in Xoolahooda La qaadanayo Hadii ay...

Ganacsatada Gobalka Mudug oo La amray in Xoolahooda La qaadanayo Hadii ay Ciidamada aysan Garab istaagin

0

Puntland ayaa taakulo isugu jirtay shidaal iyo raashin loogu talo galay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Galmudug ee dagaalka kula kooxda Alshabab ku wareejisay maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug dhinaca Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), ayaa sheegay taakuladan in ay Puntland uga qayb qaadanayso dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ee ka socda koonfurta gobolka Mudug iyo Galgaduud.

“Anagoo ka wakiil ah Puntland waxaa Taakulo isugu jirta Shidaal iyo Raashin oo aan ugu talagalnay Ciidamada xooga dalka iyo Ciidamada Galmudug ku wareejinay Galmudug oo ay wakiil ka ahaayeen Maamulka Degmada Gaalkacyo Galmudug, kuwaas oo aan uga qayb qaadanayno la Dagaalanka Argagixisa ee Wasil iyo Bacaadwayne,”’ ayuu yiri Sanyare.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa ugu baaqay gaancsatada Puntland iyo Galmudug in ay ka qeyb qaataan taakulaynta ciidamada iyo dib u xoraynta deegaanada Galmudug ee muddada tobanka sano gacanta ugu jira Alshabab.

Guddoomiye Sanyare ayaa si cad u sheegay ganacstadii ka qeyb qaadan weyda taakulaynta ciidamada dagaalka kula jira Alshabaab, in ay xoolahooda u bannaan yihiin oo ay bakhaaradooda sii furnaan doonin.

Ad
Previous articleQarax ka dhacay Bacaadweyne iyo Howlgalo ka soconaya
Next articleDhismaha Jaamacadda Bacaadweyne oo Maanta la dhagaxdhigay (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here