Home Wararka Somaliya Galmudug Qarax ka dhacay Bacaadweyne iyo Howlgalo ka soconaya

Qarax ka dhacay Bacaadweyne iyo Howlgalo ka soconaya

0

Labo ruux ayaa ku geeriyootay dhowr kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari rakaab ah oo ay saarnaayeen ay miino kula qaraxday meel ku dhow deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga rakaabka ah ay saarnaayeen oo qura labo ruux xiligii ay miinada la qaraxday.

Deegaanka uu qaraxan ka dhacay ayaa ah meel dhowaan ay ku dagaalameen ciidamada dowlada iyo maleeshiyada Alshabaab.

Halka ay miinadu kula qaraxday gaarigan ayaa ah waddo muhiim u ah isu socodka gaadiidka iyadoo tuulooyin badan oo ku yaal hareeraha wadadaa ay ku xiran tahay ganacsigooda magaalada Gaalkacyo iyo magaalooyin kale oo ku yaal gobolka Mudug.

Ad
Previous articleXasan Sheikh Maxuu ka yiri in Farmaajo uu ku dayanayo Madaxweyne Aadan Cadde
Next articleGanacsatada Gobalka Mudug oo La amray in Xoolahooda La qaadanayo Hadii ay Ciidamada aysan Garab istaagin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here