Home Wararka Somaliya Galmudug oo ku dhawaaqday Howlgal ka dhan ah Alshabaab.

Galmudug oo ku dhawaaqday Howlgal ka dhan ah Alshabaab.

0

Maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Ammaanka maamulka Galmudug ay qaadi doonaan howlgallo ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, kuwaasoo looga saarayo degaanada ay gacanta ku hayaan.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dhamaadka sanadkaan Galmudug gabi ahaanba laga xoreyn doono Al-Shabaab.

Waxaa uu tilmaamay Wasiirka Amniga Galmudug in la diyaariyay ciidankii ka howlgali lahaa xoreynta Ceelbuur, Ceeldheer, Galhareeri iyo degmada Xarardheere.

Fiqi waxaa uu hoosta ka xariiqay in Galmudug ay qaadi doonto howlgal qorsheysan ayna ka qeyb qaadan doonaan ciidanka maamulka Galmudug, kuwo dowladda dhexe iyo dadka degaanka.

Galmudug ayaa dhawaan sameysay ciidamo daraawiish ah, kuwaasoo lagu tababaray Magaalooyinka ka mid ah Galmudug, waxaana dhawaan loo sameeyay talis guud oo noqon doona Magaalada Dhuusamareeb.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo Maanta ka Qeyb-galay Tacsida Madaxweyne Cali Mahdi (SAWIRO)
Next articleMaxuu yahay Heshiiska ay Maanta kala saxiixdeen Kenya iyo Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here