Home Wararka Maanta Maxuu yahay Heshiiska ay Maanta kala saxiixdeen Kenya iyo Qatar.

Maxuu yahay Heshiiska ay Maanta kala saxiixdeen Kenya iyo Qatar.

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Fred Maitangi ayaa Maanta Magaalada Dooxa ee Caasimadda Qatar kula kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheikh Khalid Bin Khalifa Bin Abdulaziz Al-Thani.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Qatar iyo Kenya, waxaana Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya iyo  Ra’iisul Wasaaraha Qatar ahna Wasiirka Arrimaha ay kala saxiixeen heshiis cusub.

Qatar iyo Kenya ayaa gaaray heshiis ku saabsan Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin amniga, iskaashiga, fududeynta visaha dal ku galka ee muwaadiniinta Kenya iyo arrimo kale oo quseeya danaha labada dal.

Dhinaca kale kulanka uu RW Qatar, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Sheekh Khaalid Bin Khaliifa Bin C/Casiis Al-thani la yeeshay Wasiirada ka kala socday dalalkii ka qeyb galay Bandhiga Milpol Qatar 2021  waxay ka wada hadleen xiriirka Qatar iyo dalalkaasi iyo qaababkii loo horumarin lahaa.

Sheekh Khaalid Bin Khaliifa ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay kulamo la qaadanayay Wasiiro iyo xubno ka socday dalalka ka qeyb galayo Carwada 13-aad ee Caalamiga ee Ammaanka Gudaha iyo Difaaca Madaniga oo lagu qabtay Magaalada Dooxa.

Ad
Previous articleGalmudug oo ku dhawaaqday Howlgal ka dhan ah Alshabaab.
Next articleDani oo siiwada Kulamada Musharaxiinta, Maantana La Kulmay Musharax….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here