Home Wararka Maanta Galmudug oo guddi u Magacaawday Wacya galinta Caroona (Akhriso)

Galmudug oo guddi u Magacaawday Wacya galinta Caroona (Akhriso)

0

Marxaladda soo labo kacleynta xanuunka Safmarka ah ee COVID-19 oo saameyn balaaran ku yeelatey Dalka oo dhan ayaa todobaad gudihii Galmudug laga diiwaangaliyey 13-kiis oo dhamaantood laga helay magaalada Samareeb ee caasimadda Galmudug.

Welwelka laga qabo kororka tirada bukaanada  uu soo ridanayo xanuunkan iyo xaaladaha dhabta ah ee ka jira xarumaha hore loogu diyaariyey in ay qaabilaan dadka caawinta u baahan darteed ayaa fadhigan oo uu shir-guddoomiyay ku-simaha Madaxweynaha Galmudug ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Maxamed Nuur Gacal ayna ka qayb galeen Wasaaraddaha Caafimaadka, Amniga, Arrimaha Guddaha, Cadaaladda, Maaliyadda, Gaadiidka, Awqaafta iyo Diinta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug ayaa diiradda lagu saarey sidii loo sameyn lahaa diyaar garow mug leh.

Dhamaan Wasaaraddaha fadhigan ka qayb galey ayaa laga dhageystay talooyin la xiriira talaabooyinka la qaadayo ee hortabinta u leh howlaha ka hor-tagidda iyo la tacaalidda soo labo kacleynta xanuunka COVID-19.

Wasiiru-dowlaha Caafimaadka Galmudug Axmed Mirre Faafaale oo ugu horeyn Warbaahinta warbixin ka siiyay go’aanada shirkan kasoo baxey ayaa sheegay in la isku afgatay in dib loo furo dhamaan xarumihii karantiilka ee Degmooyinka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqey Guddi ka kooban 9-xubnood oo isugu jira Wasaarado ay hormuud u tahay Wasaaradda Caafimaadka, kuwaa oo diyaarin doona qorshayaasha la tacaalidda Safmarka COVID-19.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo ka gaabisay Tilaabo Halis ah oo dalka saameyn karta
Next articleWar deg deg ah:- Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here