Home Wararka Somaliya Dowladda Soomaaliya oo ka gaabisay Tilaabo Halis ah oo dalka saameyn karta

Dowladda Soomaaliya oo ka gaabisay Tilaabo Halis ah oo dalka saameyn karta

0

Dowladda Soomaaliya aad ayay uga gaabisay Wacya galinta Dadka ee ku saabsan Cudurka Covid-19 oo Muqdisho si weyn ugu Faafaya.

Cudurkaan oo Mar labaad soo Laba kacleeyay ayaa La aamisanyahay in Dowladda Soomaaliya aysan xil gaar ah iska saarin Faafitaanka Caabuqaan iyo in Bulshada Laga wacya-galiyo.

Xukuumadii Xasan Cali Khayre ayaa Dagaal xoogan La gashay Caabuqaan Halista ah, waxaana Galab kasta Warbaahinta ka hadli jiray Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ay wahlinayaan dhaqaatiir si Bulshada Loola wadaago Kiisaska soo Kordhay iyo sida Bulshadu ay u Taxadari jarto.

Sidoo kale Maamulka Gobalka Banaadir ayaa Xiligaas Diyaariyay gaadiid iyo dhalinyaro ka shaqeeya Degmooyinka Gobalka Banaadir, kuwaas oo Wacgalin ka sameenayay Bulshada dhaxdeeda, Balse waxaa Muuqata in Xiligaan laga gaabiyay in Bulshada Loo adeego maadaama ay yartahay wacgalinta Bulshada.

Maanta oo kaliya waxaa la shaaciyay kiisas aad ubadan oo gaaraya 300 oo Qof, lagana Helay Caroona waana arin Halis ku ah Bulshada dhexdeeda.

Ad
Previous articleKiisaska Caabuqa COVID-19 oo sare u kacay
Next articleGalmudug oo guddi u Magacaawday Wacya galinta Caroona (Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here