Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug iyo Puntland oo ku raad jooga dad dil ka gaystay Gobalka...

Galmudug iyo Puntland oo ku raad jooga dad dil ka gaystay Gobalka Mudug

0

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilka saddex qof oo isku qoys ahaa, kuwaas oo lagu dilay meel ku dhow tuulada Saax-qurun oo kutaala galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo BBC la hadlay, ayaa sheegay in maamulku u howl galay sidii gacanta loogusoo dhigi lahaa maleeshiyaadka falkaasi geystay.

Wasiirku wuxuu sheegay in dadkaasi loo dilay aano qabiil ayna ahaayeen labo carruur iyo adeerkood oo gacanta ku hayay, iyadoo horay aano qabiil loogu dilay aabbahood.

Dableyda ayaa weerarka kusoo qaaday qoyskan habeen hore saacaddu markay ahayd 12:00 habeenimo, waxayna isla goobta ku dileen saddexda qof, halka uu dhaawac soo gaaray gabadh kale oo qoyska katirsanayd.

Dhinaca kale, Maamulka Puntland, ayaa ku eedeeyay dilkaan in ay ka dambeeyaan dad xiriir laleh kooxda Alshabaab islamarkaana ujeedada laga leeyahay ay tahay in Galmudug iyo Puntland laga mashquuliyo dagaalka  Alshabaab.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sheegay in mar kaste oo Puntland iyo Galmudug bilaabaan duulaan ka dhan ah Alshabab, ay dhacdo in Shabaab iyagoo dad adeegsanaya ay colaad ka huriyaan gobolka Mudug.

Guddoomiye Cabdiladiif ayaa sheegay in dadka falkaas geystay ay yihiin dad reer Puntland ah, wuxuuna sheegay inay ku maqan yihiin oo ay gacanta kusoo dhigayaan.

Ad
Previous articleKhilaaf iyo Caqabada Hor leh oo Doorashada ka taagan taas oo sababi karo dib u dhac Doorasho.
Next articleMuwaadiniin Soomaaliyeed oo Lagu dilay Wadanka Konfur Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here