Home Wararka Maanta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Lagu dilay Wadanka Konfur Afrika

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Lagu dilay Wadanka Konfur Afrika

0

Waxaa xalay ilaa maanta gudaha dalka Koonfur Afrika siyaabo kala duwan loogu dilay muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ahaa kuwa Ganacsi ahaan u tegay dalkaas kana Shaqeeysanayay.

Afar Muwaadin Soomaliyeed ayaa ku dhintay rabashado ka dhan ah Ajaanibta ee ka socda dalka Koonfur Afrika, waxaana dhammaan ay ahaayeen muwaadiin halkaasi ku leh goobo ganacsi.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Mahamud Qoojo, Seerjaan , Mahad iyo Gosar Ganey .

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika joogto ka noqday dilalka loo geeysanayo Soomaalida, waxaana labadii todobaad ee la soo dhaafay dalkaas lagu dilay ku dhawaad 10 Dhalinyaro Soomaali ah, iyada oo dilalkaas ay geystaan Burcad Koonfur Afrikan ah.

Ad
Previous articleGalmudug iyo Puntland oo ku raad jooga dad dil ka gaystay Gobalka Mudug
Next articleQaxooti Soomaaliyeed oo Gurmad la’aan darteed u geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here