Home Wararka Maanta Khilaaf iyo Caqabada Hor leh oo Doorashada ka taagan taas oo sababi...

Khilaaf iyo Caqabada Hor leh oo Doorashada ka taagan taas oo sababi karo dib u dhac Doorasho.

0

Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa hareeyey caqabado cusub kadib markii guddiga doorashada gobollada waqooyi ay laba u kala jabeeen, kuwaasi oo kala taabacsan Rai’isul wasaara ku-xigeenka Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Dhinacyada kala taabacsan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa labadaba ku dhawaaqay in ay qabteen doorasho lagu soo doortay gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa. Arrintaas o durba dad badan ku qeexeen khilaaf hor leh.

Faysal Rooble oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika ayaa BBC u sheegay in khilaafkan kasoo dhex ifbaxay guddiyada doorashada gobollada waqooyi uu saameyn ku yeelan karo heshiiskii la gaaray arrimaha doorashada maadama mid kamid ah qodobada haatan uu khilaaf hareeyay

Khilaafkan saameyn wuu ku yeelan karaa heshiiska doorashada waxyeello weyn wuu u keeni karaa, haddii la rabo in doorashada ay xaq noqoto waa in heshiiskaa hore gacan rimis laga ilaaliyo”

Dhinaca Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen in Xubnaha Guddiga Maamulaya kuraasta labada aqal ee Somaliland ay doorteen shir gudoon cusub, islamarkana gudoomiye loo doortay Khadar Xariir Xuseen.

Warqad shalay uu shaaciyay xafiiska guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in ‘liiska kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare ku xigeenka uu yahay mid hal dhinac u xaglinaya oo aanan caddaalad aheyn”

Waxay ku baaqeen in xubnaha qaar laga saaro maadama ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin shaaqalaha dowladda iyo ciidanka.

“Arrinta waqooyiga waa arrinta hadda lagu baratamayo oo kooxda kali ah ee la rabo in lagu kala badiyo ama dhinac ay raacaan waa kooxda waqooyiga iyo kuraasyadooda oo hadda aanan u muuqan in cid ay heysato, ciddii si uun ku hesha gobollada waqooyi waxaad mooddaa in dhinac ay wax u dheelitiri doonaan natiijada soo bixi doonta,” ayuu yiri Faysal Rooble.

“Waxaa umadda Soomaaliyeed u fiican in tan waqooyigana laga heshiiyo wixii hore ee lagu heshiiyay lagu daayo”

Faysal Rooble wuxuu qabaa in guddoomiyaha guddiyada doorashada ay saameyn weyn ku leeyihiin natiijada sidaas darteedna cid kasta ay ku qasban tahay in ay dhankeeda loollanka ka gasho.

“Guddoomiyaha kooxdan iyo guddiyada doorashada kormeerka ka ah waxay aad iyo aad waxyeello ugu yeelan doontaa sida loo weecin karo natiijooyinka qaarkood laakin waxa saameyn ah ayuu leeyahay qofkii noqonaya guddoomiyaha guddiyada doorashada.”
Loolanka waxaa weeye ma aha shakhsiga ee waxaa weeye culeyska iyo gacanta culus uu yeelanayo xafiiska shakshiga noqon doono guddoomiyaha..hasa ahaatee waxaa fiican in axdiyo lagu xiro in qodobo loo dejiyo si loo xakameeyo awoooda uu leeyahay guddoomiyaha si aanu dhinac uga eexan,” ayuu yiri Faysal Rooble.

Waxaa socday muddooyinkii u danbeeyey dedaallo dhawr ahr oo lagu xallinayo khilaaf dhanka xulista xubnaha waqooyiga oo u dhaxeeyey Raysalwasaare Mahdi Guuleed iyo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi, kuwaas oo ay markii ay labadooduba soo wada magacaabeen guddidan u muuqatay mid la xalliyey oo laga gudbay. Khilaafkan se cusub ayaa u muuqda in xaalka weli halkii taagan yahay.

Xigasho Caasimada

Ad
Previous articleKiisaska dadka qaba Cavid19 oo sii Kordhaya
Next articleGalmudug iyo Puntland oo ku raad jooga dad dil ka gaystay Gobalka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here