Home Wararka Caalamka Fiilo Koranto Sababtay Dhimashada Dad Farabadan(Sawiro)

Fiilo Koranto Sababtay Dhimashada Dad Farabadan(Sawiro)

0

Ku dhowaad 30 qof ayaa dhimatay kadib markii ay qabatay fiilo koronto oo ku dhacday suuq ku yaalla dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Booliska ayaa sheegay in Fiilada korontada ay ay si lama filaan ah u go’day ka dibna ay ku dul dhacday dad ka dukaameysanayay suuq ku dhow magaalada caasimada ah ee Kinshasa.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa laga arkay meydad dhowr ah oo daadsan bartamaha Suuqa.

War ay soo saartay Shirkadda korontada Qaranka ee DR Congo ayaa lagu sheegay inay rumeysan tahay in danab uu ku dhacay qeyb ka mid ah fiilada, taasoo keentay inuu dhulka ku dhaco. iyadoo tacsi u dirtay qoysaska dhibanayaasha.

Ad
Previous articleMusharixiin u Tartamaysa Golaha Shacabka oo Beri lagu Doorandoono Galmudug oo Shahaadada tartanka Qaatay(Sawiro)
Next articleWiil uu Dhalay Gudoomiyaha Ahlusuna Waljamaca oo goordhow Dhuusamareeb lagu Doortay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here