Home Wararka Maanta faahfaahin Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi oo Geeriyooday

faahfaahin Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi oo Geeriyooday

0

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa saakay ku geeriyooday Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi oo katirsana baarlamaanka dowladda goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa guud ahaan shacabka ree Jubaland, xildhibaanada golaha wakiilada, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi.

Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi ayaa maalmahii lasoo dhaafay xanuun wax laga qaban waayay lasoo darsay, isagoo Saakay xanuunkii hayay ugu geeriyooday Magaalada Kismaayo .

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii, qaraabadii iyo Saxiibadii uu ka baxay maruuxmku, isagoo alle uga baryay in uu naxariistii jano ha waraabiyo marxuumka.

Ad
Previous articleOdayaashii dhaqanka ee ka tagay Muqdisho oo la geeyay furumaha Dagaalka Laascaanood (Sawirro)
Next articleFaahfaahin nabadoon Cali Cumar Caraale oo lagu dilay magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here