Home Wararka Maanta Faahfaahin nabadoon Cali Cumar Caraale oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Faahfaahin nabadoon Cali Cumar Caraale oo lagu dilay magaalada Muqdisho

0

Kooxo hubeesan ayaa maanta degmada Kaaraan gaar ahaan halka loo yaqaan Jiiro Wacbuudhan waxa ay ku dileen nabadoon Cali Cumar Caraale oo kamid ahaa waxgaradka iyo ganacsatada caanka ka ahaa degmadaasi.

Sida aan wararka ku helnay nabadoonka ayaa lagu weeraray laguna dilay goob uu hilib ku iibinayay oo kutaalla degmada Kaaraan , waxaana dilka kaddib goobtaasi isaga baxsaday ragii hubeesnaa ee dilkaasi fuliyay.

Ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida degmada Kaaraan ayaa dilka kaddib goobta soo gaaray, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgalo aan lagu qaban dadkii dilka ka dambeeyay.

Dilkan loo geestay nabadoonka ayaa imaanaya xilli ammaanka magaalada Muqdisho si weyn loo adkeeyay maalmahan lagu jiro bisha Ramadaan, waxaana dilkan imaanaya xilli isbadal lagu sameeyay taliyaasha booliiska saldhigyada gobolka Banaadir.

Ad
Previous articlefaahfaahin Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi oo Geeriyooday
Next articleSweden :- Lacagta Kaalmada Guryaha oo loo kordhiyay Waalidka Heysta Caruurta Badan Sida Dowlada Sheegtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here