Home Wararka Maanta Odayaashii dhaqanka ee ka tagay Muqdisho oo la geeyay furumaha Dagaalka Laascaanood...

Odayaashii dhaqanka ee ka tagay Muqdisho oo la geeyay furumaha Dagaalka Laascaanood (Sawirro)

0

Odayaashii dhaqanka ee ka tagay magaalada Muqdisho ayaa saakay la geeyay jiidaha hore ee dagaalka ay isku hor fadhiyaan ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidamada dadka deegaanka ee la magac baxay SSC.

Odayaasha dhaqanka ee is xil-qaamay ayaa saakay la geeyay aaga ay isku hor fadhiyaan labada ciidan, si ay usoo qiimeeyaan masaafada ay labada ciidan isku jiraan iyo sida xaalka aagaasi yahay.

Qaar kamid ah isimada gobolka Sool ayaana hor kacayay odayaasha saakay la geeyay jiida hore ee dagaalka, waxa ayna odayaasha indhahooda kuisoo arkeen xaalka magaalada Laascaanood iyo sidoo kale jiidaha hore ee dagaalka ee ciidamada isku hor fadhiyaan.

Odayaasha dhaqanka ee u tagay xal u helada colaada magaalada Laascaanood ayaana la filayaa in magaaladaasi kula kulmaan Isimada iyo sidoo kale dadka deegaanka, si ay ugala hadlaan sidii dagaalka nabbad loogu bedeli lahaa.

Waxaan wali la ogeyn odayaashan hadda ku sugan magaalada Laascaanood in ay u gudbi doonaan deegaannada maamulka Somaliland iyo in kale, mana la oga sidoo kale sida ay colaadan dhiiga badan ku daatay xal ugu keeni karaan odayaashan Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleMucaaradka Kenya oo ka hadlay go’aan ka soo baxay booliska xilli maanta laga cabsi qabo dibad baxyo
Next articlefaahfaahin Xildhibaan Shukri Saalax Cabdullahi oo Geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here