Home Wararka Somaliya Faahfaahin laga Helayo Qarax Ka Dhacay Dalka Kenya

Faahfaahin laga Helayo Qarax Ka Dhacay Dalka Kenya

0

Qarax miino oo hareeraha wadada lagu aasay ayaa ka dhacay deegaan kuyaala xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan dhinaca magaalo xeebeedka Lamu.

Sida ay ku waramayaan Warbaahinta Kenya qaraxan ayaa haleelay gaari la sheegay in dad shacab ah la socdeen, waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo la sheegau in uu shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxan halka labo qof oo kalana dhaawac culus kasoo gaaray , waxaana gubtay gaarigii uu haleelay qaraxa.

Ismaamulka Lamu ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay gaari shacab, waxa ayna ku eedeeyeen in qaraxan ka dambeeyaan dagaalyahanada Al Shabaab oo horey qaraxyo badan uga geestay gudaha Kenya.

Ad
Previous articleDalka Itoobiya oo looga Dhawaaqay Xaalad Deg Deg ah Xili Dagaalada sii socdaan
Next articleGobolka Gedo oo looga Dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Kooxda Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here