Home Wararka Somaliya Gobolka Gedo oo looga Dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Kooxda Shabaab

Gobolka Gedo oo looga Dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Kooxda Shabaab

0

Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Garbahaareey oo ah Xarunta Gobolka Gedo.

Howlgallada ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Guutada 10aad qeybta 43aad ee Gobolka Gedo Gaashaanle Sare Warfaa Sheekh Aadan Faroole & Abanduulaha Ciidamada 43aad ee Gobolka Gaashaanle dhaxe Cismaan Sheekh Cabdi Qorax, waxaana ay ka sameeyeen degaano mararka qaar lagu arko Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu ahaa mid loogu diyaar garoobayo Doorashada Goloha Shacabka ee lagu wado inay ka qabsoonto Xarunta Gobolka Gedo ee Garbaharey , isla markaana amniga ay siweyn u xaqiijinayaan.

Dhinaca kale Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa degmada baardheere  ee Gobolka Gedo dhoola tus kusoo bandhigay, waxaana ay sheegeen in ay qaadi doonaan Guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 49aad Guutada 10aad qeybta 43aad ee Ciidanka xoogga dalka Cali Cismaan Cali (Jiijiile) ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen dagaal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, isla markaana qorshahooda uu yahay inay ku weeraraan degaannada ay ku sugan yihiin.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgallada ay ahaayeen kuwo si joogto ah ay u  wadeen, hayeeshee haatan dhamaan degmooyinka Gobolka Gedo laga bilaabi doono.

Gobolka Gedo degmooyinkiisa ayaa waxaa intooda badan mu sugan Ciidamada ay dowladda Soomaaliya diyaarado ku geeysay, kuwaas oo mararka qaar fuliya howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ad
Previous articleFaahfaahin laga Helayo Qarax Ka Dhacay Dalka Kenya
Next articleWararka ugu Danbeeyay Dalka Itoobiya oo Xaalad Deg Deg ah looga dhawaaqay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here