Home Wararka Maanta Dalka Itoobiya oo looga Dhawaaqay Xaalad Deg Deg ah Xili Dagaalada sii...

Dalka Itoobiya oo looga Dhawaaqay Xaalad Deg Deg ah Xili Dagaalada sii socdaan

0

Golaha Wasiirada Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo la geliyay dalka oo dhan, sida uu shaaciyay Wasiirka Cadaaladda Gedion Timoteos.

Colaadda dalka Itoobiya ayaa ku sii faafaysa deganano horleh iyadoo mucaaradka Tigray ay qabsadeen magaalooyin cusub, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya waqooyiga dalkaasi.

Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin colaadda sii cakirmaysa, waxayna ku baaqeen in xabad-joojin deg deg ah la gaaro.

Fallaagada Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) oo tan iyo sanadkii tagay la dagaalamaysay dowladda ayaa haatan waxa ay isku xirmeen dagaalyahano ka tirsan Oromada, arrintaas oo si wayn u kaabaysa awoodooda ay guluf ugu ekayn karaan magaalada Addis Ababa

Horumarka ay samaynayaan ciidammada fallaagada ayaa horseedday in ra’iisul wasaaraha Itoobiya uu ku baaqo in dadku ay hubka qaataan, halka gobollada Amxaarada iyo Oromiyadana lagu soo rogay xaalad degdeg ah.

Ad
Previous articleCiidamo gadoodsan oo xirtay Wadada u dhaxeya Garoowe iyo Laascaanood.
Next articleFaahfaahin laga Helayo Qarax Ka Dhacay Dalka Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here