Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Faahfaahin: Dagaal khasaaro Badan Gaystay oo Markale Alshabaab iyo Macawisleeyda Dhexmaray

Faahfaahin: Dagaal khasaaro Badan Gaystay oo Markale Alshabaab iyo Macawisleeyda Dhexmaray

0

Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan, gaar ahaan deegaanno hoostaga degmada Maxaas ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay dagaal shalay galinkii dambe, kaas oo gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo ka dhacay bariga tuulada Goobo ayaa u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo Al-Shabaab.

Dagaalka waxaa Al-Shabaab looga dilay ku dhowaad 30 qof, halka dadka deegaankana ay ka geeriyootay 9 qof, sida uu BBC Somali u sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in intii uu socday dagaalka khasaare xooggan la gaarsiiyay Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaa halkaas gaaray oo gurmad ahaan ugu biiray dagaalka ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sugnaa Maxaas.

Guddoomiye Jayte ayaa sheegay in dagaalka uu ka billowday weerar ay Al-Shabaab soo qaadday, kuna afduubtay carruur iyo xoolihii ay la jireen.

Dagaalka ayaa qaatay saacado, wuxuuna soo gaaray xalay toddobadii iyo barkii fiidnimo (7:30).

“Ilaa hal saac iyo bar dagaalku wuu gaaray, ilaa dadkiina laga dhigo, xoolihiina laga dhigo, itaalkoodana la tuso. Waxay isku dayayeen in ay wax bursadaan cunug labo jir ah ayaa ka mid ah dadka laga soo dhigay,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa tebiyay in sarkaal ka tirsan ururka uu u sheegay in ay weerar ku qaadeen meel ay isku urursaneysay meleeshiyada Macawisleyda, isla markaana looga dilay 50 qof, iyadoo dad nool iyo xoolana lagu qaaday, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale, warbaahinta taageerta Al-Shababa ayaa ku eedeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jayte in uu soo abaabulay dadka ay Al-Shabaab ku dishay dagaalka.

Guddoomiye Cali Jayte ayaa sheegay in ciidamada Macawisleyda iyo ciidamada dowladda federaalka ah oo garab ka helaya dadka deegaanka ay si siman ula dagaallamayaan Al-Shabaab.

Qabaa’ilka deegaanka, taliskii ciidamada xoogga, wax Alla wixii carrada joogay dagaalka waa lagu wada jiray,” ayuu yiri Cali Jayte.

Wuxuu intaa raaciyay in sababta keentay dagaalka uu isagu hoggaaminayo ay tahay in laga billaabo gobolka Hiiraan dadka laga dul qaado dhibaatada ay ku hayso Al-Shabaab.

“Aniga hadda kula hadlaya waxaan joogaa magaalada Beledweyne. Shalay ayaan imid, jiidda dagaalka ayaana ka mid ah”, ayuu yiri guddoomiye Jayte oo BBC-da la hadlayay.

Dhowaan ayay ahayd markii Al-Shabaab lagu eedeeyay in dad ka badan 20 qof oo rayid ah ay ku dishay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan. Sidoo kale, waxaa la sheegay inay kooxdu gubtay gawaari sidday raahsin gargaar ah.

Al-Shabaab waxay sidoo kale dhowaan weerarro ku qaadday deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegeenka Baxdo, halkaa oo ay ku burburisay ilo-biyood iyo xarumo ay leeyihiin shirkadaha isgaarsiinta.

Arrintaas waxaa ka carooday dadka deegaanka oo qaarkood sheegay in ay hubka qaateen oo ay la dagaallamayaan Al-Shabaab, maaddaama ilihii nolosha ay ka burburiyeen.

 

 

 

 

 

Ad
Previous articleBeele Walaalo oo in Mudo ku Dagaalamaayay Gobalka Mudug Shir Dib u hishiisineed isugu Yimid(Sawiro)
Next articleQaramada Midoobay oo ka hadashay Safarada badan ee Dibadda uu u baxay Madaxweyne Xasan Sheekh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here