Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo ka hadashay Safarada badan ee Dibadda uu u baxay...

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Safarada badan ee Dibadda uu u baxay Madaxweyne Xasan Sheekh

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Modoobay ayaa shalay shir gaar ah ka yeeshay xaalada guud ee Soomaaliya, waxaana shirkan intii uu socday diirada lagu saaray isbadalka dalka ka dhacay iyo sidoo kale xaaladaha amniga iyo abaarta ee dalka ka jirta.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa warbixin dheer golaha ammaanka ka siiyay xaalada Soomaaliya  , waxa uuna ku baaqay in wax laga qabto xaalada hadda ku sugan tahay oo taagan xilligii wax laga qaban lahaa.

Shirka golaha intii uu socday ayaa diirada lagu saaray safarada badan ee Madaxweyne Xasan Sheekh  u baxay tan iyo markii dib loo doortay, waxa ayna golaha soo dhaweeyeen safaradan oo u badnaa kuwa lagu wanaajinayay xiriirka Soomaaliya la leedahay waddamada dariska.

”Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu booqashooyin badan oo dibadda ah ku tagay dalalka deriska ah iyo kuwa bah-wadaagga kale oo muhiim ah oo dano laba geesood ah kala dhexeeyaan. Waxaan soo dhaweynayaa hindisihiisa si loo xaqiijiyo xiriir dhow oo lala yeesho dhammaan — xitaa dalalka uu xiriirka lala lahaa uu hore u xumaa. Waxaan ku boorrinayaa inay tani sii socoto — gaar ahaan kuwa deriska ah ee gobolka.” ayuu yiri James Swam.

Waxa uu sheegay James Swam in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh xilligan ahmiyad gaar ah siineyso dhinaca amniga gaar ahaan la dagaalanka kooxda Al Shabaab uu sheegay in ay kordhiyeen weerarada iyo dilalka ay geesanayaan.

”Maamulka cusub ee Soomaaliya ayaa ahmiyadda koowaad ee uu leeyahay u aqoonsaday amniga. Arintaan ayaa kusoo aadeysa xili Al Shabaab ay muujiyeen dhiirranaan dheeraad ah. Dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee Al Shabaab ayaa waxaa ka mid ah dilal qorsheysan, weerarro culus sida kii Hotel Xayaad ee bishii Ogoosto, iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ballaaran oo ay ka sameeyeen xuduudka Itoobiya.” ayuu yiri Swam.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii dib loo doortay 15-kii bishii May u baxay safarro badan uu ku tagay qaar kamid ah waddamada dariska la ah Soomaaliya iyo waddamo kale oo xiriir dhaw kala dhaxeeyo Soomaaliya.

 

 

Ad
Previous articleFaahfaahin: Dagaal khasaaro Badan Gaystay oo Markale Alshabaab iyo Macawisleeyda Dhexmaray
Next articleSarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa miinooyinka oo la soo qabtay(Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here