Home Wararka Maanta Erdogan oo ka hadlay weeraro ciidamada Cirka uga jawaaben Qaraxyadii ka Dhacay...

Erdogan oo ka hadlay weeraro ciidamada Cirka uga jawaaben Qaraxyadii ka Dhacay Turkiga

0

Ciidamada Turkiga oo ka jawaabay weerar qaraxyo ah oo dhawwaan ka dhacay magaalada Istanbuul ayaa duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaano kuyaalla dalalka Siiriya iyo Ciraaq ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Kurdiyinta.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ciidamada Turkiga weeraro ku qaadeen fariisimaha Kurdiyiintu ku leeyihiin waqooyiga Suuriya, waxa uuna sheegay in weeraradan yihiin kuwa bilow ah.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in ay ka go’antahay ciidankooda sugida ammaanka Turkiga, waxa uuna sheegay in ciidankooda ay beegsan doonaan kooxaha cadawga uu ku tilmaamay ee katirsan Kurdiyiinta.

Wasiirka gaashaandhigga Turkiga ayaa horey u sheegay in ciidanku ay duqeeyeen ku dhawaad ​​shan boqol oo bartilmaameed oo ay leeyihiin maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee Suuriya iyo Ciraaq tan iyo Axaddii.

Dowladda Turkiva ayaa dagaal adag kula jirta kooxo Kurdiyiin ah ay u aqoonsan yihiin argagaxiso, waxa ayna inta badan dowladda Turkiga weeraro ka dhan ah kooxahaasi ka fulisaa gudaha Ciraaq iyo Siiriya ay ku leeyihiin Kurdiyiinta saldhigyo.

Ad
Previous articleDagaal Xubno badan looga dilay Al Shabaab oo ka dhacay Deegaanka Ceel Dheere
Next articleDowlada Soomaaliya Oo Sheegtay Inay Duqeyn Ku Dishey 49 Ka Tirsan Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here