Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya Oo Sheegtay Inay Duqeyn Ku Dishey 49 Ka Tirsan Alshabaab

Dowlada Soomaaliya Oo Sheegtay Inay Duqeyn Ku Dishey 49 Ka Tirsan Alshabaab

0

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal iyo duqeymo dhinaca cirka ah oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay 49 Xubnood oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal qorshaysan iyo duqaymo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

“Al-Shabaab ayaa lagu laayay deegaanka Buulo Madiino ayaa waxay isku diyaarinayeen dhagaro ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, laakiin waxaa fashiliyay oo dhabarka ka jabiyay Ciidanka Sirdoonka iyo Xoogga Dalka.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta.

Hase yeeshee war saxaafadeedka ka soo baxay dowlada Soomaaliya ayaan lagu sheegin waqtiga uu dhacay howlgalka,illaa iyo haddana kama aysan hadlin dowlada Maraykanka duqeynta la sheegay in laga fuliyay deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Ad
Previous articleErdogan oo ka hadlay weeraro ciidamada Cirka uga jawaaben Qaraxyadii ka Dhacay Turkiga
Next articleMadaxweynaha Ukraine Oo Golaha Amaanka U Gudbiyay Dambiyo Culus Uu Ruushka Geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here