Home Wararka Somaliya Dowladda Soomaaliya oo si Kulul u Eedeysay Dowladda Imaaraadka Carabta

Dowladda Soomaaliya oo si Kulul u Eedeysay Dowladda Imaaraadka Carabta

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa eedeyn kulul u soo jeedisay dowladda Imaaraadka Carabta kadib markii qoraal ka soo baxay ku tilmaantay dowlada federalka mid ku meelgaar ah.

Shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka iyo Imaaraadka uu ka dhexeeyay xiriir wanaagsan oo ku saleysan ganacsi.

“Qoraalka ka soo baxay Imaaraadka waxaa uu cadeynayaa in saraakiisha Arrimaha dibadda imaraadka ay qeyb ka ahaayeen dibindaabyada sanadihii la soo dhaafay lagu haayay Soomaaliya, taas oo sicad uga hor-imaaneysa qeynuunka Caalamiga ah, waxaan waqtiga loo baahdo iyada oo cadeymaheeda wadata soo bandhigi doona hay’adaha quseyso” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Imaaraadka ayuu sheegay Wasiirka inay doonayaan in Soomaaliya lamid noqoto dalalka Liibiya iyo Yamen, isla markaana ay rabto in dalka ay abuurto barakac iyo dib u dhac, taasina ay tahay mid dadka Soomaaliyeed ka feejigan yihiin.

Dowlada Federalka ayaa ka dalabtay in Imaaraadka Carabta ay cudur daar ka bixiso Qoraalkii ay Doiwlada Federalka Soomaaliya ugu yeertay Kumeelgaar, kana gashay gef Qarannimada Soomaaliya.

Ad
Previous articleSawiro:- Madaxweyne Qoor Qoor oo kulan kale la sameeyay Ex Madaxweyne Xasan Sheekh
Next articleAllaha Unaxariistee Faaduma Nakuuruma oo COVID-19 ugu geeriyootay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here