Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaareesay fal lagu Gubay Kitaabka Quraanka...

Dowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaareesay fal lagu Gubay Kitaabka Quraanka oo ka dhacay Sweden

0

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga, ayaa si kulul u cambaareysay falkii ay mas’uuliyiinta Sweden u oggolaadeen nin xag jir ah inuu ku gubto Safaaradda Turkiga ee magaalada Stockholm horteeda kitaabka Qur’aanka Kariimka ah Sabtidii (January 21), taasoo ka dhigan ku xad gudubka xurmada diinta iyo kicinta dareenka muslimiinta caalamka oo dhan.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la ogolaado falkan naceybka ah ee lagu aflagaadeynayo karaamada iyo qiyamka Islaamka ay tahay wax aan gabi ahaanba la aqbali karin.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ficilkan uu yahay dhaqan xagjir ah ah oo kor u qaadaya nacaybka iyo cunsuriyadda una adeega ajendayaasha xagjirnimada iyo argagixisada.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay cadeyneysaa mowqifka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku baaqaya muhiimadda ay leedahay faafinta qiyamka wada-tashiga, dulqaadka iyo wada noolaanshaha iyo diidmada nacaybka iyo colaadaha, waxayna dib u cusbooneysiineysaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo astaamaha diinta, lagana fogaado. hurinta nacaybka iyo hurinta colaadaha iyada oo ku xadgudubka iyo qalloocinta diimaha, xurmada iyo caadooyinka Islaamka.

Soomaaliya waxay ugu baaqday Sweden inay qaado tallaabooyin adag oo ka dhan ah nacaybka sii kordhaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, waxayna ku boorisay dhammaan jileyaasha beesha caalamka inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ka hortagga Islaam nacaybka.

Ad
Previous articleDadaal Xoogan oo looga hortagayo in magaalada Xarardheere lagu Qaado Weerarkii Galcad oo kale oo kasocda Halkaas
Next articleXarumaha Dowlada ee Magaalada Muqdisho oo Amaankooda La adkeeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here