Home Wararka Maanta Dadaal Xoogan oo looga hortagayo in magaalada Xarardheere lagu Qaado Weerarkii Galcad...

Dadaal Xoogan oo looga hortagayo in magaalada Xarardheere lagu Qaado Weerarkii Galcad oo kale oo kasocda Halkaas

0

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmuudg, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo haatan ku sugan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa halkaasi ka wada kormeer iyo shirar ku saabsan amniga.

Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha ciidamada dhulka Maxamed Tahliil Biixi iyo saraakiil kale ayaa Qoor-Qoor ku wehlinaya shirarkaan, oo intiisa badan diiradda lagu saaray adkeynta amniga degmada Xarardheere.

Qoor-Qoor iyo Masuuliyiinta kale ayaa saacadihii lasoo dhaafay kormeer ku tagay fariisamaha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanada hoos taga degmada Xarardheere.

Waxay ciidanka ku baraarujinayaan inay u diyaar-garoobaan weerar kasta oo uga imaan kara kooxda Al-Shabaab iyo dardar-gelinta howlgallada xoreynta ee deegaanada kale.

Sidoo kale waxay ciidamada qalabka sida ku bogaadiyeen guulaha ay ka gaareen howl-galada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Arrimahaan ayaa imaanaya xilli ay Jimcihii Al-Shabaab ay weerar rogaal celin ahaa oo xooggan ka sfulisay degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo khasaare culus uu ka soo gaaray ciidnka Danab.

Si kastaba, howlgalladii ugu ballaarnaa oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa haatan ka socdo Galmudug, waxaa ciidamada u suurta gashay inay kooxda kala wareegaan degmooyinka muhiim ah, sida Ceeldheer, Xarardheere iyo Galcad oo ka kala tirsan labada gobol ee Galmudug.

Ad
Previous articleDowlada Soomaliya oo Soo Afjartay Weerarkii lagu Qaaday Xarunta Gobalka Banaadir
Next articleDowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaareesay fal lagu Gubay Kitaabka Quraanka oo ka dhacay Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here