Home Wararka Maanta Xarumaha Dowlada ee Magaalada Muqdisho oo Amaankooda La adkeeyey

Xarumaha Dowlada ee Magaalada Muqdisho oo Amaankooda La adkeeyey

0

Waxaa saakay si weyn loo adkeeyay ammaanka xarumaha muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya , kaddib weerarkii xooganaa ee shalay xubno katirsan Al Shabaab ku qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Ciidamada ammaanka ee ilaalada ka haya xarumaha dowladda ayaa saakay si weyn heegan ugu jira, waxa ayna ciidamada baarayaan dadka galaya xarumaha dowladda, iyaga oo sidoo kale ku amraya ilaalada masuuliyiinta qaar in ay ka fogaadaan.

Ammaanka baraha koontarool ee yaalla magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale la adkeeyay, ciidamada ammaanka ayaana baaraya gaadiidka ka gudbaya baraha hubinta ee yaalla qeybo kamid ah Muqdisho,.

Weerarkii shalay lagu qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir waxaa geestay rag hubeesan oo katirsan Al Shabaab kuwaa oo soo xirtay dareeska ciidanka dowladda iskana dhigay askar la socotay masuuliyiin xarunta maamulka ku jirtay.

Dareeska ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa marar badan lagu geestay weeraro badan oo ka dhacay magaalada Muqdisho, waxa ayna dowladda ku guuldareesatay xakameynta dareeska ciidanka oo suuqyada laga soo iibsado.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo si kulul u cambaareesay fal lagu Gubay Kitaabka Quraanka oo ka dhacay Sweden
Next articleMaxaa kala qabsaday Gudoomiye Cali Jayte iyo gabadhii ugu yeertay murtadka?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here