Home Wararka Maanta Wiil Soomaali ah oo Dad ku laayay Dalka Jarmalka Oo Gacanta Lagu...

Wiil Soomaali ah oo Dad ku laayay Dalka Jarmalka Oo Gacanta Lagu Dhigay

0

Booliiska dalka Jarmalka ayaa sheegay in magaalada Ludwigshafen oo ku taalla Koonfurta-galbeed ee dalkaasi uu wiil Soomaaliyeed ku diley laba qof halka mid kalena uu gaarsiiyey dhaawac halis ah.

Ciidamadda amniga oo tagay goobta weerarkan uu ka dhacay ayaa gacanta ku dhigan wiilkan, iyagoo dhaawac u geystay, maadaama uu diiday inuu isu dhiibo laamaha amaanka.

Gacan ku dhiiglaha Soomaaliha ah ee labada qof dilay oo 25 jir ah ayaa dalkaasi Jarmalka galay sanadkii 2014, waxaana haatan xaaladiisa caafimaad oo aad u liidata lagu daweynayaa mid kamid ah xarumaha caafinaad ee ku yaala magaalada Ludwigshafen.

Maaha markii ugu horeysay ee wiil Soomaaliyeed dil ku geysto dalka Jarmalka. Jarmalka waxa ku badan dhalinyaro Soomaaliyeed oo isugu jira wiilal gabdho oo qaar badan oo ka mid ahi ay dalkaasi kusoo galeen tahriib iyaga oo soo maramay xeebaha Liibiya, Turkiga iyo Giriiga.

 

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya Oo Shirkadaha Bixiya Adeegga Maraakiibta Digniin Culus U Dirtay
Next articleNorway Meydka Labo Qof oo laga helay Magalaada Skien

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here