Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada dhimashada ee weerarkii Hayaat

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada dhimashada ee weerarkii Hayaat

0

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahisay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkii mudada saaadaha badan qaatay ee lagu qaaday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Xayaat ay ku geeriyoodeen 21 ruux 117 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wuxuu sheegay in xogtaan ay Wasaaradda Caafimaadka kasoo xaqiijisay Isbitaallada kuyaalla Magaalada muqdisho, balse ay jiri karaan meydad ay aasteen ehelladooda, kuwaas oo aan la geyn Isbitaallada.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan wuxuu sheegay in 15 kamid ah 117 qof uu dhaawacooda culus yahay, isla markaana Wasaaradda Caafimaadaka ay iska xil saari doonto wax u qabashada dadka dhaawacyada qaba.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo Maantay mudo kordhin Samaystay
Next articleQaramada midoobey ayaa war ka soo saartay weerarkii hotel Hayat

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here