Home Wararka Maanta Qaramada midoobey ayaa war ka soo saartay weerarkii hotel Hayat

Qaramada midoobey ayaa war ka soo saartay weerarkii hotel Hayat

0

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu kaga hadlay weerarkii saacadaha badan qaaday ee dagaalamayaasha Al-shabaab habeenkii Jimcaha ku galeen gudaha hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

James Swan ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana dadkii dhibaatooyinka kasoo gaareen weerarada Al-shabaab.

“Qaramada Midoobay waxa ay taageero la garab taagan tahay dhammaan dhibanayaasha Soomaaliyeed iyo kuwa argagixisada ka badbaaday iyagoo ka bogsanaya jugta iyo dhaawacyada soo gaaray, iyaga iyo qoysaskooda iyo bulshooyinkooda, Soomaaliya waxay horumar ammaan mudan ugu tallaabsatay waddada nabadda iyo xasilloonida, haddana iyadoo horumarkaas lagu jiro, waa in la maqlaa oo la qiraa codadka badbaadayaasha, lana dhawro xuquuqdooda rabshadihii argagixisada ee dhammaadka todobaadka ka dhacay magaalada Muqdisho” ayuu yiri James Swan.

Hadalkaan kasoo yeeray Wakiilka Xogahaya guud ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa imaanaya xili Xalay waqtigii dambe dowladda Soomaaliya ay sheegtay iney soo afjareen dagaal saacado badan qaatay oo ka socday gudaha hotelka Xayaat, kaasoo u dhaxeyay qeybaha kala duwan ee ciidanka dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaal hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada dhimashada ee weerarkii Hayaat
Next articleMadaxweyne Cali Guudlaawe oo Tan iyo Doorashadiisii Maantay Gaaray Degmada Matabaan(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here