Home Wararka Somaliya Galmudug Shaakir oo Ka Dhawaajiyay inay Qayb kayihiin Dagaalka Lagu Qaaday Alshabaab

Shaakir oo Ka Dhawaajiyay inay Qayb kayihiin Dagaalka Lagu Qaaday Alshabaab

0

Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca, Sheekh Shaakir Cali Xasan, ayaa ka hadlay dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah dalka iyo wadahadal uu sheegay in uu u socdo ururkooda iyo dowladda Federaalka.

Sheekh Shaakir oo la hadlay idaacadda BBC, ayaa sheegay in ciidankooda ay qeyb ka yihiin dagaalka ka socda gobolada Dhaxe ee lagula dagaalamayo Al Shabaab, waxa uuna xusay in ciidanka DF iyo kuwa deegaanka ka taageerayaan dagaalka Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Sheekh Shaakir in xilligii ay dagaalada kula jireen Al-Shabaab aysan helin fursad ay shacabku qayb uga noqdaan dagaalada sida hadda jirta, waxa uuna xusay in hadda jirto fursad Al Shabaab dalka looga xureyn karo, iyada oo shacabka la heesto.

“Dadka shacabka ah waaba dadkii aan ku tababarnay in ay iska dhiciyaan oo ay la dagaalamaan Al-Shabaab, anagu xoogaganeyna ciidamada dowladda federaalka ah ayay  ku jiraan sidoo shacabka ayay ka mid yihiin.” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in mar walbo iyagu aaminsan yihiin in lala dagaalamo Al Shabaab oo dalka laga xureeyo, waxa uuna cadeeyay in uu soo dhaweenayo go’aanka madaxweyne Xasan Sheekh ee lagula dagaalamayo Al Shabaab.

Hoggaamiyaha kooxda Ahlu Sunna Sheekh Shaakir ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan wadahadalo u socda ururkooda iyo dowladda federaalka, waxa uuna tilmaamay in wadahadalada ku saleesan yihiin sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka Al Shabaab.

Wuxuu sheegay in wadahadalka ay horay u yeesheen, haddana uu socdo oo laga dhursugayo in natiijo wanaagsan ay ka soo baxdo, hase yeeshee wuxuu ka gaabsaday inuu magacaabo cidda ka tirsan dowladda ee ay wadahadalka la leeyihiin.

Kooxda Ahlu Sunna oo awwood badan ku laheyd gobolada dhaxe ee dalka ayaa dagaal xooggan oo looga saaray deegaanno badan la gashay ciidanka dowladda federaalka, mana jiro masuul katirsan DF oo xaqiijiyay wadahadalada Ahlu Sunna sheegtay in ay socdaan.

 

 

Ad
Previous articleDowladda oo Bilowday Dagaal dhinaca Maaliyadda oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab
Next articleXildhibaan Jacfra iyo saraakiil kale oo la filayaayo in ay soo garaan magaalada Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here