Home Wararka Maanta Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay weerarkii askarta badan looga dilay ciidanka...

Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay weerarkii askarta badan looga dilay ciidanka howlgalka ATMIS ee Shalay

0

Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay weerarkii askarta badan looga dilay ciidanka howlgalka ATMIS, gaar ahaan kuwa dowladda Uganda ee shalay ka dhacay magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, Mattethew Miller oo ka hadlay weerarkaas ayaa si kulul u cambeereeyay, wuxuuna sheegay inay ka xun yihiin.

“Dowladda Mareykanka waxay si kulul u cambaareneysaa weerarkii ay Al-Shababa ku qaadeen degaanka Buulo-Mareer oo ay ku sugnaayeen ciidanka nabad ilaalinta Uganda ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.” ayuu yiri Mattethew Miller.

Sidoo kale wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo saaxibada dhibanayaasha,isaga oo kuwa dhaawac ah u rajeeyay caafimaad buuxa.

Intaas kadib Mattethew Miller ayaa diray farriin culus, wuxuun boggaadiyay ciidamada howlgalka ATMIS ee haatan nabad-ilalainta u jooga gudaha Soomaaliya.

“Mareykanka wuxuu boggaadinayaa geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada ka qayb-qaadanaya howlgalkan muhiimk ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa ballan-qaaday inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan garab istaageeda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Waxaan ku garab taaganahay saaxibadeena Soomaaliya iyo Midowga Afrika dagaalka lagula jiro jabinta Argagixisada iyo horumarinta iyo xasiloonida dadka Soomaaliyeed” ayuu mar kale yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykanka.

Weerarkii Buulo-Mareer oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ay shaacisay inay ku dishay in ka badan illaa 137 askari oo ka tirsan howl-gaka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda. Sheegashada kooxda si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Ad
Previous articleDowlada Uganda oo qaaday tallaabo la xiriirta weerarkii Buulo-Mareer
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Doorashada Dalka Turkiga Oo Beri Dhacaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here