Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Doorashada Dalka Turkiga Oo Beri Dhacaysa

Wararkii Ugu Danbeeyey Doorashada Dalka Turkiga Oo Beri Dhacaysa

0

Codbixiyayaasha Turkiga ayaa Axadda berri ah dooran doona Madaxweynaha dalkaas xukumi doona shanta sano ee soo socota, kadib markii doorashadii 14-kii May la waayay musharrax gaara codadka lagu guulaysan karo.

Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan ayaa loollan adag kala kulmaya Kemal Kilicdaroglu oo ah musharraxa ay wataan mucaaradka, kaasoo wareeggii koobaad helay 44.9% codadkii la dhiibtay, halka Erdogan uu helay 49.5%.

Sinan Ogan oo kaalinta saddexaad galay, isla markaana helay 5.2% codadkii la dhiibtay ayaa toddobaadkan taageeray Madaxweyne Erdogan taasoo sare u qaadday rejada uu kaga guulaysan karo mucaaradkiisa.

Erdogan oo muddo 20 sano ah u talinayay waddankiisa ayaa rejaynaya in uu noqdo hoggaamiyaha ugu muddada dheer Turkiga casriga ah.

Waxa uu beeniyay saadaashii ahayd in kaalinta labaad uu ka geli doono doorashadii dhacday bartamihii bishan May, taasoo loo badinayay in ay guul wanaagsan ka gaaraan mucaaradka.

Isbahaysiga uu hoggaamiyo xisbiga talada haya ee AKP ayaa ku guulaystay aqlabiyadda baarlamaanka Turkiga, waxaana taasi ay Madaxweynaha siisay fursad uu taageero kaga raadsan karo darafyada kale.

Musharraxa mucaaradka

Kemal Kilicdaroglu ayaa ah musharraxa mucaaradka iyo guddoomiyaha xisbiga CHP, oo uu asaasay Mustafa Kemal Ataturk – aabihii Turkiga casriga ah.

Waxa uu ballanqaaday in Turkiga uu ka dhigi doono dal siyaasaddiisu furfuran tahay, dimuqraaddi ah, uuna dib u soo celin doono hannaankii baarlamaaniga ah ee uu Erdogan meesha ka saaray.

Haseyeeshee hadallo uu sheegay kadib doorashadii 14-kii May ayaa la rumaysan yahay in ay dhaawaceen rejadiisa, gaar ahaan ballanqaadkiisa ah inuu dalka ka saari doono malaayin qaxooti Suuriyaan ah.

Waxaa se uu taageero buuxda ka haystaa xisbiyada taabacsan Kurdiyiinta iyo weliba xisbiga soogalooti diidka ah ee loo yaqaano Victory Party (ZP).

Hogaamiyaha xisbiga ZP, Umit Ozdag oo wareegii koobaadka ee doorashada uu xisbigiisu baarlamaanka ka helay 2.2% ayaa Arbacadii shaaciyay in uu taageerayo Kilicdaroglu.

“Da’ yartu waxa ay rabaan dimuqraaddiyad. Ma doonayaan in booliska ay subixii guryaha ku soo garaacaan iyagoo loo haysto wax ay Twitter-ka ku qoreen,” ayuu Kilicdaroglu u sheegay BBC ka hor doorashadii dhacday.

Madaxweyne Erdoğan ayaa dhaliilay Kilicdaroglu oo uu ku tilmaamay nin aan xitaa “hoggaamin karin xeyn ido ah”.

Mucaaradka Erdoğan ayaa ku eedeeyay inuu meel adag gaarsiiyay dhaqaalaha dalka, sicir bararkuna yahay mid cirka maraya.

Turkiga ayaa la daalaa-dhacaya saameynta ka soo gaartay dhulgariirkii horraantii February ku dhuftay qeybo kamid ah koonfurta dalkaas, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 50 kun oo qof.

Codbixinta iyo natiijada

In ka badan 64 milyan oo Turki ah ayaa u diiwaangashan doorashada, waxaana kamid ah 6 milyan oo markii ugu horreysay codeeyay 14-kii May. Waxaa sidoo kale jira 3.4 milyan Turki ah oo 20-24 kii May codadkooda ka dhiibtay dibedda.

Doorashada ayaa dhacaysa Axadda 8-da aroornimo ilaa 5-ta galabnimo, waxaana maalinta mamnuuc ah in khamri lagu iibiyo guud ahaan Turkiga.

Doorashadii dhacday 14-kii May ayaa waxaa codadkooda dhiibtay 87.04% dadkii is diiwaangeliyay, taasoo ah tiro aad u saraysa.

Natiijada hordhaca ah ee doorashada ayaa la filayaa in la ogaado isla habeennimada Axada mise saacadaha hore ee Isniinta.

Ad
Previous articleDowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay weerarkii askarta badan looga dilay ciidanka howlgalka ATMIS ee Shalay
Next articleDowlada Soomaaliya Iyo maamul goboleedyada Soomaaliya oo Heshiis ka Gaaray hanaanka doorashoyinka iyo muddo kororsiga oo faah-faahsan(Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here