Home Wararka Maanta Dowlada Uganda oo qaaday tallaabo la xiriirta weerarkii Buulo-Mareer

Dowlada Uganda oo qaaday tallaabo la xiriirta weerarkii Buulo-Mareer

0

Dowladda Uganda oo qaaday tallaabo la xiriirta weerarkii lagu qaaday ciidankeeda ee shalay ka dhacay Buulo-Mareer ayaa maanta Soomaaliya usoo dirtay taliyaheeda ciidanka dhulka UPDF, Lt. Gen. Kayanja Muhanga.

Ujeedka socdaalka dalka ayaa la xiriira  si uu u ogaado waxa sababay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga ciidankooda Buulo-Mareer oo sababay khasaare xoogan.

Sidoo kale Lt. Gen. Kayanja Muhanga ayaa bilaabi doono baaritaan guud oo ku aadan dhacdadaas, maadaama askar baday ay Uganda weysay weerarkaasi.

Waxaa sidoo kale la filayaa in uu kulamo la qaato saraakiisha sare ee ATMIS iyo kwua Uganda ee jooga gudaha Soomaaliya, si uu xog wareysto weerarkaasi,.

Dhinaca kale afhayeenka ciidanka difaaca, Brig Felix Kulayije ayaa dhankiisa sheegay  in ciidamada Uganda ay si hagar la’aan ah uga go’an tahay howlgalkooda Soomaaliya.

“Taliska Ciidanka difaaca Uganda waxay cambaareyneyaan weerarka ay argagixisada Al-Shabaab ku qaadeen askarteenna. Si kastaba ha ahaatee, tani kama joojinayso sida ay nooga go’an tahay waajibaadka ATMIS ee xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida Afrika,” ayuu yiri Kulayije.

Uganda ayaa ah dalka ay ciidamada ugu badan ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika ee haatan ka socda Soomaaliya.

Weerarkan waxaa si weyn u cambaareeyay QM, Mareykanka iyo dowlado kale oo waa weyn, kuwaas oo qayb ka ah dalalka taageera Soomaaliya.

Si kastaba, weerarkii Buulo-Mareer oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ay shaacisay inay ku dishay in ka badan illaa 137 askari oo ka tirsan howl-gaka Midowga Afrika ee ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo ku sugnaa iyagu saldhiga ay weerarka ku qaadeen dagaal-yahaanada kooxda. Sheegashada kooxda si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Ad
Previous articleSafaaradda Maraykanka oo ka cabatay bahdil ay u gaysteen ciidamado Soomaaliyeed
Next articleDowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay weerarkii askarta badan looga dilay ciidanka howlgalka ATMIS ee Shalay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here