Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Howlgalkii uu ku geeriyooday Farxaan Qaroole

Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Howlgalkii uu ku geeriyooday Farxaan Qaroole

0

Dowlada Somalia ayaa War ka soo saartay howlgal saaka waaberigii ciidamada dowlada ka fuliyeen deegaanka Basro oo isku xira Muqdisho iyo gobolada Shabeelooyinka

“Hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka degaanka ayaa argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab looga saaray deegaanka Basra iyo tuulooyinka hoos yimaada” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka

Deegaanada lagala wareegay Al-shabaab oo gaaraya 9 ayaa ku teedsan wabiga Shabeelle ayaa kala ah: 1. Basra 2. Sabyo 3. Baqdaad 4 . Beled Al-kariim 5. Baldooska 6. Alifow 7. Muryaley 8. Daniga Balow 9. Buula Xansholey.

Waxaa howlgalkan ku dhintay Gen. Farxan Max’uud Aadan (Qaroole) Taliyihii qeybta Booliska gobolka Banaadir.

 

Ad
Previous articleWAR DEG DEG: Farxaan Qaroole oo la Dilay
Next articleShacab lagu dilay ceel biyood laga qodayay deegaanka Gariley ee Gobalka Gedo(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here