Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Imaaraadka oo Wada Hadlay

Dowlada Soomaaliya iyo Dowlada Imaaraadka oo Wada Hadlay

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta khadka talefoonka wadahadal kula yeeshay, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Imaraadka Carabta, Mudane Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan.

Cabdisaciid Muuse Cali  ayaa uga tacsiyeeyey dhibbaneyaasha weerarkii ka dhacay magaalada Abu Dhabi ka dib markii kooxda xuutiyiinta Yemen ay ku weerareen gantaalo iyo dayuurado Drones ah.

Wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha ayaa Dhinaca kale ka wada hadlay hagaajinta xiriirka labada dal oo mudooyinkan xumaaday iyo muhiimadda ay labada dowladood u leedahay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah, iyagoo isdhaafsaday aragtiyo waxtar u leh iskaashiga arrimaha hortebinta u leh danaha labada qaran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya sidoo kale ugu hambalyeeyay Wasiiru-dowlaha ka mid noqoshahooda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horraantii bishan.

Ad
Previous articleKoonfur Galbeed oo Markale Shaacisay Jadwalka Xubno Kamid Noqon Dooona Golaha Shacabka
Next articleDowladii Ugu Horaysay oo African ah Ayaa Bilowday Soo Saarista Talaalka COVID19(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here