Home Wararka Caalamka Dowladii Ugu Horaysay oo African ah Ayaa Bilowday Soo Saarista Talaalka COVID19(Sawiro)

Dowladii Ugu Horaysay oo African ah Ayaa Bilowday Soo Saarista Talaalka COVID19(Sawiro)

0

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa furey warshadii ugu horeysay ee Afrika ku taalla, ee soo saarta tallaalka cudurka safmarka Covid-19.

Warshadda Nant-SA ee ku taalla magaalada Cape Town ayaa waxaa aasaasey maal qabeenka cilmiga biology-ga ku takhasusey ee u dhashey dalka Koonfur Afrika, fadhigiisuna yahay dalka Mareykanka, Dr Patrick soon-Shiong.

Warshadda ayaa lagu wadaa iney soo saarto tallaalkeeda ugu horreeya sanad gudihiis, iyadoo hadafku yahay marka la gaaro 2025-ka, in sanadkiiba lasoo saaro hal bilyan oo xabo oo tallaal ah.

Madaxweyne Ramaphosa waxa uu sheegay in tallaabadani ay muujineyso in qaaradda Afrika ay u jiheysatey dhanka isku filnaanshaha.

“Afrika waa inaaney galin mar danbe safka u danbeeya ee helitaanka tallaalka inta lagu guda jiro cudurada aafooyinka ah, ma ahan inaan gacan hoorsanno”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya iyo Dowlada Imaaraadka oo Wada Hadlay
Next articleHay’ada Socdaalka Jinsiyada Soomaaliya oo Xarun Muhim ah Ka Furtay Magaalada Muqdisho(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here