Home Wararka Caalamka Dowlada Iiraan oo Sheegtay inay Fulisay Xukuno Dil Ah

Dowlada Iiraan oo Sheegtay inay Fulisay Xukuno Dil Ah

0

Iran ayaa fulisay xukunkii labaad ee lagu fuliyay qof ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay mudaaharaadyadii ka dhacay dalkaasi, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.

Websaytka garsoorka ee Mizan ayaa sheegay in Majdreza Rahnavard, oo 29-kii bishii November lagu xukumay dil toogasho ah, ka dib markii uu mindi ku dilay laba askari oo ilaalo u ahaa, afar kalena ku dhaawacay, lagu toogtay meel fagaare ah magaalada Mashhad.

Muuqaal laga sii daayay Telefishinka Qaranka, ayaa waxaa ka muuqday nin nin kale eryanaya, ka hor inta uusan soo dul istaagin oo uu tooreyda ku dhuftay, ka dib markii uu ku dul dhacay Mooto meesha dhigtay.

Muuqaal kale, isla ninkaas, oo ay mas’uuliyiintu ku andacoonayaan inuu yahay Rahnavard, ayaa la arki karaa isagoo mid kale tooreynaya wax yar ka dib. Dabadeed wuu cararaa.

Mizan ayaa tilmaamaysa in dadka la dilay ay ka tirsanaayeen Maleeshiyada Basij ee iskood isu xilqaamay, kuwaasi oo la soo dhoobay magaalooyin dhowr ah, halkaasi oo ay weerar ku qaadeen, kuna xireen dad banaanbaxayay. Xaalado badan, dadku way iska caabiyeen.

Maalintii Khamiista, mas’uuliyiinta Iran ayaa fuliyay xukunkii ugu horreeyay ee la ogaaday ee la xiriira mudaaharaadyadii ballaarnaa ee looga soo horjeeday nidaamka dalkaas. Xukunka dilka ah ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay beesha caalamka.

Ad
Previous articleCabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) oo Qaraxyo uu aasayay ku dhaawacmay oo xukun adag maanta lagu riday
Next articleGudoomiye Sheekh Aadan Madoobe Oo Gaaray Xudur Iyo Lafta-Gareen Oo Xilka Laga Tuuraayo(Sawiro).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here