Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe Oo Gaaray Xudur Iyo Lafta-Gareen Oo Xilka Laga...

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe Oo Gaaray Xudur Iyo Lafta-Gareen Oo Xilka Laga Tuuraayo(Sawiro).

0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Bokool, kan degmada iyo dadweyne aad u tira badan.

Ujeedka safarka Sheekh Aadan Madoobe ayaa salka ku haya sidii loo dar dar galin lahaa gogosha dib u heshiisiinta siyaasiyiinta Koofur Galbeed oo uu hore u dhigay Gudoomiyaha, taasoo ay taageereen safiirada Mareykanka iyo Ingiriiska, todobaadkan ayaa la filayaa in shirkaasi lagu qabto magaalada Baydhabo.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in soo dhaweyn heerkeeda sareeyo aan loo sameenin Sheekh Aadan Madoobe oo ah mas’uulka ugu sareeya ree Koofur Galbeed ee dowladda ku jira, iyadoo Lafta-Gareen oo ku sugan Baydhabo iyo wasiiradiisa aanu ka qeyb galin soo dhaweynta wafdigan, taasoo sal looga dhigay inuusan ku qanacsaneyn howshan socota.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka iyo Guddoomiyaha degmada ayaa Guddoomiyaha uga warbixiyay xaalada gobolka iyo guud ahaan deegannada ku xeeran, iyagoo sheegay in gobolkan uu muddo go’doonsan yahay islamarkaana dadka degaanka aysan helin nolol ku filan iyo Kooxda Khawaariijta Al-Shabaab oo dadka u diiday xornimo inay ku noolaadaan.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa maamulka iyo shacabka magaalada Xudur ku ammaanay sida dadka deegaanka ay u diideen inay wax ku darsadaan kooxda Khawaariijta, isla-markaana muujiyeen dhabar adeeg iyo geesinimo isagoo xusay in ay hada diyaar u yihiin iska xorreynta kooxdan caadeysatay gummaadka ummadda Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleDowlada Iiraan oo Sheegtay inay Fulisay Xukuno Dil Ah
Next articleGudoomiye Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Saraakiil Ciidan Xili uu Khilaaf Xoogan Kala Dhaxeeyo Laftagareen (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here